Dadkeyga.com

Madaxweyne C/fataax Xassan Afrax oo ka mahad celiyay deeq gaadiid ah oo ay qurba joogta reer Hiiraan ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan…
Madaxweynaha Dooxada Shabeelle ahna G.G.H ayaa maanta uga mahad celiayay qurba joogta reer Hiiraan deeq gaadiid ah oo ay soo gaarsiiyeen Jaamacadda Hiiraan ee magaalada B/weyne

Isagoo ka hadlayay xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo looga mahad celinayay dhammaan intii ka qeyb qaadatay deeqda gaadiidka ah, ayuu madaxweynuhu ammaan ballaaran u soo jeediyay qurba joogta reer Hiiraan sida ay isugu duuban yihiin isla markaana u garab taagan yihiin walaalohooda gudaha dalka ku sugan ee taageerada u baahan.

Madaxweynaha ayaa hadallo isugu jira dardaaran iyo wacyi gelin u soo jeediyay waalidiinta, macallimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan. Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu cilmigu u leeyahay sare u qaadidda heerka nololeed ee ay bulshooyinka adduunka. Wuxuu si gaar u taabtay baahida waxbarasho ee ka jirta soomaaliya oo uu sheegay in aanay umaddu meelna gaari karin haddii aanay lahayn dad aqoon leh oo ku hoggaamiya xikmad iyo aragti dheeri. Madaxweynaha ayaa si weyn u dul istaagay in wax soo saarka ugu ballaaran ee ay bulsho samayn kartaahi uu yahay maskax aqoon leh (human capital).

Ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay waaxda waxbarashada ee maamulka inay juhdi dheeri ah ku bixiso sidii sare loogu qaadi lahaa tayada aqoonta iyo wacyi gelinta bulshada.

Duqa degmada B/weyne oo ka qeybgalay munaasabadda 15ka May ee dhallinyarada Soomaaliyeed…
Waxaa  magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay munaasabad lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May. Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada SYAO ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhallinyaro, odayaal, haween, waxgarad, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan.

Duqa magaalada Beledweyne, mudane Maxamed Xassan Nuuriye oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaa ka hadlay ayaa qudbad xasaasi ah ka jeediyay goobta. Wuxuu mayorku ku dheeraaday kaalinta ay dhallinyaradu ka qaadan karto wacyi gelinta bulshada. Wuxuu Mr. Nuuriye sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko xaflad noocan ah oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro reer B/weyne ah oo had iyo goor u taagan inay wax ka beddelaan xaaladda ay magaaladu ku sugan tahay.

Ugu dambeyntii xafladda maanta ayaa dhammaan dadkii ka hadlay u riyaaqeen una mahad celiyeen ururka SYAO oo ay sheegeen inuu yahay urur ka shaqeeya wacyi gelinta dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne C/fataax oo baaq ku wajahan dastuurka cusub u diray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed…
C/fataax Xassan Afrax ayaa baaq ku aaddan ansixinta dastuurka cusub u diray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee loo soo xulay inay meel mariyaan dastuurka.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Dooxada Shabeelle ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dalka Soomaaliya uu marayo marxalad xasaasi ah isla markaana ay cabashooyin iyo dhaliillo badan ka yimaadeen dastuurka lagu wado in dalku uu yeesho. Sidaa darteed ayuu sheegay madaxweynuhu in looga fadhiyo odayaasha dhaqanka inay qaataan kaalin hoggaamineed oo mideysa fikradaha kala duwan.

“Dalku wuxuu galayaa marxalad cusub oo la filayo in laga gudbo xilliga kala guurka ah, dastuurka qabya qoraalka waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay odayaasha dhaqanka in ay wixii qaldan ka saaraan, wixii ka dhimanna ku daraan. Waxaan u soo jeedinaynaa odayaasha dhaqanka inay si taxadar leh u dhugtaan qodobada uu ka kooban yahay qabyo qoraalku ka dibna wixii kaga aaddan ka yeelaan si loo ilaaliyo wadajirka iyo midnimada umadda” ayuu yiri madaxweynuhu.

Baaqa madaxweynaha Dooxada Shabeelle ahna G.G.Hiiraan  wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay siyaasiyiinta Soomaalidu fikrado kala duwan ka dhiibanayaan dastuurka cusub iyadoo looga fadhiyo odayaasha dhaqanka inay ansixiyaan dastuurka qabyo qoraalka ah kaasoo dalka lagu hagi doono muddada 5ta sano ee socota.

Garoonka B/Weyne ee Ugaas Khaliif airport oo dib casriyeen lagu bilaabay..
Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada gobolka ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismo dayactir ah oo lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne.

Gudoomiyaha Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in maamulkiisa aay ka goán tahay dhismaha iyo dayactirka xarumaha bulshada isagoona ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynahaba inay si iskaa wax u qabso uga qeyb qaataan dib u soo nooleynta kaabiyaasha adeega bulshada.

Garoonka Ugaas Khaliif ayaa mudo dhan 4-sano aan la isticmaalin kadib markii dagaalo soo noq noqday aay halkaa ka dhaceen. waxaa kaloo iyadana mudadaa hakad galay warshad lagu qalo hilibka oo iyaduna markii garoonku xirmay xirantay, waxaana warshadaa ka shaqeysan jiray dad badan laga bilaabo kan xoolaha keena, kan dilaala, kan qala ilaa kan suuq geeya.

Diyaaradaha qaadka oo si joogto ah u imaan jiray ayaa iyaguna joogsaday, iyadoo la sheegayo in ganacsatada qaadka aay markan dhaqaalo ku bixiyeen in garoonka dayactir lagu sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Mareykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya…
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Maerykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhaci doona xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa looga hadli doonaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomayd dowladda KMG ah, waxaana Soomaaliya matalaya madaxweyne Sheekh Shariif.

Wadfiga Madaxweynaha ayaa gaaray Mareykanka kaddib markii ay xalay ka dhoofeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo madaxweynuhu intii uusan u dhoofin mareykanka muddo laba casho ah ku sugnaa dalka Uganda.

Sheekh Shariif ayaa kulammo la yeeshay intii uu Uganda ku sugnaa madaxewynaha dalkaas Yoweri Museveni oo ay ciidammo badan ka joogaan Soomaaliya iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo howlaha AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda, sidoo kalena wuxuu booqday ciidammo Soomaali ah oo tababar loogu soo gabgabeeyay duleedka Kampala.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii labaad oo uu halkaas ku tago tan iyo markii uu noqday Madaxweyanaha DKMG ah ee Soomaaliya sannadkii 2009.

Gal-Mudug oo u fufudeyneysa Alshabaab burburinta maamulka Punland (Xog))
Iyadoo maalin ka hor mas’uuliyiinta maamul Galmudug shaaciyeen in xooggag ka tirsan Al-shabaab soo galeen deegaanno hoostaga Galmudug, ayeey hadda mar kale ka dhawaajiyeen in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab durbaba la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Gaalkacyo.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha maamul gobolleedka Galmudug Abshir Diini, ayaa warbaahinta u sheeagay xoogagga aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab la wareegeen tuulada Bud-bud  oo ka tirsan gobollka Mudug.

‘’Waxaa ay ku hubeysan yihiin gadiidka dagaallka, iyo waliba dagaallyahanno aad u xoogan, sidaa daraadeed maamulka Galmudug waxaa uu hadda qorsheynayaa sidii looga hortagi lahaa xoogaggaas dulaanka ku soo ah,’’ ayuu yiri,’’ wasiirrka arrimaha gudaha.

Saraakiisha horkaceysan xoogagan la sheegay in gaareen deegaannada Galmudug ayaan si dhab ah loo ogeyn, laakiin waxaa jira warar sheegaya in ay uu ka mid yahay afhayeenka dhinaca howlagalada Al-shabaab C/siis Abuu-muscab.

Ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab ka soo saareen warka ku saabsan ciidamo iyaga ka amar qaata oo ku sugan deegaannada Galmudug, iyagoo kol hore shaaciyay in ay dagaalyahaanno u direen deegaannada Puntland.

Man City captures Premier League title…
Foxnews.

Sunday, May 13, 2012

MANCHESTER, England –  City started the day 90 minutes from the title. They needed all of it and more.

Manchester City ended 44 years of heartbreak and futility thanks to Sergio Aguero’s stoppage time header to win the Premier League title in the dying seconds of the season. It would cap a breathless day that saw City go from losers to winners in an amazing three minutes.

The Citizens were five stoppage time minutes from another final day collapse, losing 2-1 to ten man Queens Park Rangers 2-2 and seemingly allowing their arch-rivals Manchester United to snatch their 20th Premier League title on the final day of the season.

Instead, Edin Dzeko headed in a corner in the second minute of stoppage time, then Kun Aguero rolled into the penalty area uncontested to rip a rocket past Paddy Kenny. It was a goal befitting of Aguero’s $50m price tag – and it may prove to be priceless.

Sergio Aguero scores the goal that sealed Manchester City’s first title since 1968.

Photograph: Alex Livesey/Getty Images

Finally, Manchester is painted Blue.

The mood was tense from kickoff, with thousands of sky-blue clad fans ready to celebrate – but wary of doing so. The anticipation of the title collided with the knowledge that City, for so long, had been better known for failure than silverware, and more remarkable for collapse than championships. Pre-game you could hear the anxiety in fans’ voices – they were daring to dream, but there was a a real fear that once again, their Citizens would fall at the finish line.

That fear looked to be justified as a nervous City side was unable to figure out QPR’s defense and were reduced to picking at scraps. QPR simply parked the bus early on, forcing City to try and pick them apart. City responded with a performance that lacked the crispness and fluidity we have come to expect. Were the expectations smothering? For ninety minutes, the answer seemed to be yes.

It started with promise, as Pablo Zabaleta, slipped through by Yaya Toure, would break the deadlock in the 39th minute and send a wave of relief and joy through the Etihad. The Argentine shot blew through Kenny’s gloves and rightly should have been held; instead it looped up and over, off the post and into the net.

But the joy would be short-lived. Yaya would have to come off with a knee injury and without their talisman, City looked very short of both ideas up front and defensive steel in the back.

And right after the break disaster struck. A hopeful ball out of the back was inexplicably headed back towards his own net by Joleon Lescott, allowing the fleet Djibril Cisse to run on uncontested towards Joe Hart and fire low and hard into the net. Game tied, and game on.

It seemed that Joey Barton’s red card with 35 minutes left to play would change the complexion of the game, after the famously volatile midfielder elbowed Tevez and then kicked Aguero from behind before he was hauled off. Instead, it allowed QPR to seize the lead.

Armand Traore, brought in to reinforce the defense in Barton’s absence, loped down the left flank to elude the entire City back line, and his cross was well-met by Jamie Mackie, who smartly headed it into the back of the net.

The game seemed over. Heads drooped and the air at the Etihad was dark. City had been here so many times before, losing games on the final day with regularity and allowing their red neighbors to the west to lay claim to trophy after trophy while their case remained bare.

Edin Dzeko’s 92nd minute header changed that, as he met a corner to thrash the ball in and spark hope. Two minutes later, Kun Aguero would score the winner. His teammates pounced on him, burying him in a pile in a corner. Mike Dean blew the whistle, the long-suffering fans stormed the field and as the flares went off, even the stewards stood back.

In the sweetest moment of all, Etihad reset their win clock, so long stuck at “44 years,” to “00.”

It is City’s day at long last.

Faroole, Farmaajo iyo Dr. Gaas “Ma noqon karaan madaxweynaha Soomaaliya”
Haddii la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya sida uu hadda yahay, waxa ay taasi ka dhigantahay in labbo ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliya ugu sareeya aysan isu soo taagi karin xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Qodob ku jira dastuurka cusub ayaa dhigaya in dadka heysta labada jinsiyadood aysan noqon karin madaxweynaha Soomaaliya.

Dr. Cabdiwali Gaas oo ah Ra’isulwasaaraha DKMG ah waxa uu heystaa dhalasho Maraykan ah, halka Madaxweynaha Puntland uu heysto dhalasho Australia ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaanan isagana noqon karin madaxweynaha Soomaaliya maadaamaa uu heysto jinsiyad Maraykan ah.

Waxa iyagana qodobkani dhibane u noqonaya ugu yaraan kala bar musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya kuwaasoo heysta jinsiyaddon wadamo kale.

Labadda Shariif ayaa u muuqda in ay ka badbaadayaan arrinkani, waloow Shariif Xassan Sheekh Aadan uu mar heysan jirey dhalasho Kenyan ah ka hor intii aysan jinsiyadda kala noqon Kenya xiligii uu ahaa wasiirka maaliyadda.

Waxaa xusid mudan in raga qorey dastuurkani ay iyaguba yihiin dad ajaaniib ah oo aanan ahayn Soomaali.

Puntland ayaa diidey dastuurka cusub iyadoo cuskanaysa qodobkani Dr. Faroole iska hortaagaya xilka madaxweynenimada, balse Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirka dastuurka DKMG ah ayaa sheegay in qodobada cabashada ay ka timid la xalin doono.

Horey waxaa dastuurka u diidey Hey’adda Culumada Soomaaliya, Macmaja Culumada Soomaaliyeed, beelaha gobolada dhexe iyo caasimadda degen, xildhibaanada baarlamaanka hadda jira badankood, Galmudug iyo Ahlu Sunna, arrinta kaliya oo ay ku kala duwanyihiin ayaa ah sababaha ay oga soo horjeedaan.

Culumada Sida Sheekh Umal iyo Sheekh Bashiir Salaad iyo Sheekh Dhicisoow waxa ay arkaan qodobo diinta liddi ku ah, halka Galmudug iyo Beelaha Xamar ay arkaan qodobo ay u arkaan xuquuq la duudsiiyey.

Wasiirka Qorsheynta Oo Sheegay In Guul Laga Gaaray Inta Badan Hergalinta Roadmap-Ka…
Wasiirrka wasaarrada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda KMG C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in xukuumadu guulo ka gaartay 75% hergalinta qorshaha Roadmap-ka.

Wasiirrku waxaa uu sheegay in dowladdu ku dadaashay sidii looga miro dhalin lahaa hergalinta qorshaha Roadmap-ka oo ah sida uu hadalka u dhigay wadada kaliya ee looga bixi ku-meel-gaarnimada mudada dheer lagu soo jiray, dhinaca kalana loogu gudbi karo dowlad rasmi ah oo ay Soomaalidu yeelato.

‘’Waxaan rajeynayaa in waqtiga loogu talagalay lagu soo gabagabeyn doono dhamaan qorshahaas la xiriira ka gudub-ka marxalada ku-meel-gaarnimada, shacab-ka Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa in ay taa gacan nagu siiyaan ayuu yiri,’’ C/llaahi Goodax.

Hadalka wasiirrka ayaa imanaya xili dood kulul ay ka taagan tahay arinta ku saabsan ansixinta Dastuurka, oo in badan oo ka mid ah shacab-ka Soomaaliyeed niyad xumo ka muujinayaan qodobada ku qoran.

Zambia oo sheegtay in aanay jirin Safiir ka socda Dowladda Soomaaliya oo dalkeeda u fadhiya…
Dowladda Zambia ayaa ka hadashay muran dhaliyay in albaabada loogu laabo Safaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Lusaka, kadib markii is qab qabsi iyo muran uu soo kala dhex galay Safiirka cusub ee loo magacaabay iyo Safiirkii hore.

Wasaarada Arrimaha Dibada Zambia ayaa sheegtay in aanay jirin safiir Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaas oo ay aqoonsan yihiin, iyadoo Booliska dalkaas si KMG ay u xireen Safaarada ay ku laheyd Lusaka.

Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Dibada Zambia ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inay la kala safteen Mas’uuliyiinta isku hayay Safaarada.

Taleefanadii Safaarada ayaa la xiray, waxaana Taleefanka uu ku soo dhacaya Wasaarada Arrimaha dibada dalkaas, waxaana Safaarada la wareegay Ciidamo Boolis ah oo ammaankeeda sugaya.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu dagaal dhex maray Mas’uuliyiinta Safaarada dalkaas, markii Safiir cusub oo warqadiisa watay uu tagay Safaarada, isla markaana Safiirkii hore uu ku gacan seyray.

Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin arrinta ka dhacday Safaarada Magaalada Lusaka, iyadoo hadal heynta dhacdadaas ay maalmihii u dambeeyay qabsatay Jaraa’idyada Zambia ka soo baxa oo bogaga hore ku qornaayeen dagaalka ka dhacay Safaarada.