FeaturedSomali News

Xaliimo Yarey oo shaacisay ‘sida kaliya ee dhaqan-gal ku noqon karo?

Xaliimo Yarey oo shaacisay ‘sida kaliya ee dhaqan-gal ku noqon karo’ heshiiska Golaha Wadatashiga.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” oo ah Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixisay sida uu ku dhaqan-gali karo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu ka gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Xaliimo Yarey oo sidoo kale horey u ahaan jirtay Guddoomiyaha Guddigii Qaran ee Madaxa-bannaan ee doorashada dalka ayaa sheegtay in heshiiskan uu dhaqan-gal ku noqon karo heshiis wada ogol ah, oo loo dhan yahay, xilli ay heshiiskan ka maqan yahay maamulka Puntland.

“Heshiiskaas waa inuu noqdo heshiis la wada ogol yahay oo loo wada dhan yahay uu noqda, si loo dhaqan-geliyo. Qoddobadii xalay soo baxayna waxa uu qeyb dhan kala mid yahay 2018-kii heshiiskii Baydhabo ay madaxda ku saxiixdeen, waxaa lagu saa’idiyay in nidaamka dhismaha oo meeshii madaxweyne iyo ra’iisul wasaare aheyd ayaa laga dhisay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale waxay ka dhawaajisay in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo guud ahaan dalka, haddii dhexda loo xirto, ayada oo tusaale u soo qaadatay doorashadii taariikhida aheyd ee 25-kii bishaan ka dhacday Puntland, oo degmooyin kamid ah looga dareeray doorashada dowladaha hoose.

“Adduunka waa ka jirta in hal guddi isku qabto (doorashada heer federaal iyo heer maamul-goboleed) iyo in kuwa kalena heerar kala gaar ah u qabtaan, labada waa jirta oo waxay ku xirnaaneysa waddankaas sida shuruucdiisa u degsan tahay ee ku heshiiyeen,” ayey tiri ayada oo ka hadashay in hal guddi doorasho uu maamulayo doorashada heer deegaan, heer degmo, heer gobol iyo heer Qaran.

Xaliimo Yarey ayaa waxay sheegtay in heshiisyada kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ay meelo iska qaadanayaan Dastuurka dalka, halka qaarkood ay is qaadan karin, ayna lagama maarman tahay in Dastuuri laga dhigo, taasi oo muhiim u ah dhaqan-galinta heshiiskan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *